Sunday, July 13, 2025

ATMIS (Ex. AMISOM) oo caddeysay Mowqifkeeda Dhaarinta Xildhibaannada iyo Amniga Xalane

Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, ATMIS, ayaa cadden ka bixiyey qoraal uu soo saaray ku taariikhaysan 8-da Abriil 2022, kaasoo ku saabsanaa xiritaanka guud ee Xerada Xalane ee 10-16-ka Abriil 2022.

“Howgalka xannibaadda waa tallaabo joogto ah oo taxaddar leh oo hawlgalku sameynaey tan iyo markii la aasaasay 2007 si looga hortago isku dayada argaggixisada si ay u jebiyaan amniga Xerada Saldhigga waqtiyada khatarta amniga ee soo socota, xilliyada ciidaha iyo ama hawlaha kale ee muhiimada sare leh ee dawladda” ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS.

Xayiraadii ugu ayey AMISOM ka sameysay xerada iyo Saldhigga Xalane 17-kii Diseembar 2021 illaa 8-dii Janaayo 2022 , xilligaas oo ahayd xaalad amni oo ku saabsan ciid Gaaleedka.

“Xayiraadda Xalane ee bilaabatay maanta ilaa 16-ka April 2022, ayaan sinnaba loogu talagelin in lagu carqaladeeyo, laguna qasbo in dib loo dhigo, ama lagu farageliyo habsami u socodka xafladda dhaarinta Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka cusub ama hawlo kale oo doorasho ama xukuumad. ka shaqeeya Xerada Saldhigga” ayaa ka mid ahaa qoraalka ATMIS.

Ujeedka kaliya ee laga leeyahay howlgalka xayiraadda socodka iyo baarista ayaa ah in la fududeeyo howlgallada loogu talagalay in lagu xaqiijiyo in Xerada Saldhiggu ay ahaato meel ammaan ah, oo wanaagsan inta lagu guda jiro xilligaan xasaasiga ah ee doorashada, oo ay ka mid yihiin dhaarinta, dabbaaldegga maalinta 62-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan bisha Ramadaan.

ATMIS ayaa caddeysay inay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Ciidamada Ammaanka Soomaaliya si loo xaqiijiyo in dhameystirka hannaanka doorashada lagu gaaro jawi wanaagsan oo ka caaggan rabshado.

ATMIS oo qeyb ka ah howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin sugidda amniga doorashada iyo sugidda amniga xerada Xalane, Villa Soomaaliya iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya, ATMIS waxa ay weli ka go’an tahay in ay si wada jir ah ula shaqeyso wasaaradaha iyo hay’adaha muhiimka ah ee DFS si loo sugo ammaanka goobaha doorashada iyo musharixiinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON