Sunday, June 22, 2025

ATMIS oo shaacisay inay ka Daba tagtay Alshabaabkii weeraray Buulomareer, lana burburiyay..

Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa shaaciyay inay tallaabo ka qaadeen maleeshiyadii Alshabaab ee Jimicihii weerartay, kadibna qabsatay saldhigii ciidamada Uganda ee Buulomareer.

Kadib weerar aargudasho rogaal celin oo ay wadajir u qaadeen ciidamada ATMIS iyo Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in cagta lagu mariyay tiro badan oo Alshabaab ka tirsan oo ku lug lahaa weerarkii Buulomareer.

“Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Ddalka Soomaaliya ayaa ku guulaystay in ay ka daba tagaan argagixisada Al-Shabaab ee baxsadka ah ee ku lug lahaa weerarkii xerada ciidamada ATMIS ee Buulo Mareer, iyagoo cagta mariyay tiro aad u badan oo argagixisadu ka mid ah”. ayaa lagu yiri qoraalka ATMIS soo saartay maanta.

Ad

Waxay kaloo ATMIS sheegtay in Ciidamada wadajirka ah ay sidoo kale Alshabaab ka oo furteen hub badan oo laga dhacay xerada Buulo Mareer, isla markaana ay ATMIS ka go’an la-dagaalanka argagixisada.

“Waxay ATMIS sii wadi doontaa in ay si dhow ula shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha xubnaha ka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo sugo amniga Soomaaliya”. ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay ATMIS.

ATMIS ma sheegin tirada Alshabaab looga dilay weerarka rogaal celinta ah ee lagu qaaday Alshabaabkii weeraray Buulomareer.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON