Wasiirka Amniga maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab culus siiyey guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir Cali Yare oo xilligan hoggaamiya taageerayaasha Farmaajo ee Barfaha Bulshada.
“Caalamadaha aakhiru-zamaanka waxaa ka mid ah guddoomiye ku-xigeen gobol oo Raysulwasaare Qaran wax ka sheegiisa subax walba u shaqo taga!..” ayuu yiri Axmed Fiqi oo farriin toos ah u diray Cali Yare.
Wuxuu intaas ku dartay: “اذا وسد الامر لغير اهله فانتظر الساعة” oo ah xadiis laga weriyey Nebiga NNKH oo macnihiisu yahay: ‘Haddii Arrinta (xil) loo dhiibo qof aan u qalmin, sug Saacadda (Qiyaamaha).
Farriinta Wasiir Fiqi ayaa lagu soo gabagabeeyay “Ayax tag eelna reeb!“, waxayna imaaneysaa, iyadoo ninka ku magacaaban guddoomiye ku xigeenka mamaulka Gobolka Banaadir uu baraha bulshada ka wado olole ka dhan ah Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay is hayaan Farmaajo.
