Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey inuu ka haray tartanka Kursiga Beeshiisa ee Golaha Shaabka Baarlamaanka Federaalka.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku yiri: “Waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn inaanan u tartamayn kursigaas sanadkaan arrimo ii gaar ah awgood..”, Wuxuunta intaas ku daray inuu naftiisa u quuri waayey inuu hoos-fariisyo geed dullinomo kursi-doon awgii, sida uu yiri.
“Waxaan kursigaas ku matalayey barlamaankii 10-aad dad iyo deegaankii ii soo igmaday iyo qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna kursigaasi ahaa mid tilmaaman, lagu matalayey aqoon, aragti siyaasadeed oo xor ah iyo dulqaad, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee kaligitaliska tooshka ku ifiyay inta uusan ficilooyinkiisii gurracnaa la soo bixin”. ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo si weyn isu amaanay.
Wuxuu Beesha uu kasoo jeedo Cabdalle Sacad uga mahadceliyay wadashaqaynta, walaaltinimada iyo dulqaadka ay umuujiyeen mudadii aan ku matalayey kursigaas. “Waxaan soo dhowaynaya in afarta sano ee soo socotana ay u doortaan (ee aan loo doorin) qof si sharaf leh ku matala, ilaalinaya magacooda, isla markaana qeyb ka noqda dabaysha isbedelka ee dalka ka socota” ayuuna yiri.
Axmed Macalin Fiqi ayaa iska cailay xilka Wsiirka Amniga Galmudug, markii ay isku dhaceen madaxweyne Axmed Qoorqoor, wuxuuna taageeray weerarkii Ahlu suna ku qabsatay Guriceel, taasoo keentay inay yaraato fursadda uu xildhibaan ku noqon karo.
