Sunday, July 27, 2025

Axmed Madoobe: Cadaado iyo Dadkeeda waxaan u jeclahay sida Aabahay Sh. Maxamed u jeclaa..”

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo booqashadiisii labaad maanta ku tegay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa garoonka Cadado isugu soo badan Mas’uuliyiin iyo Dadweynaha Magaalada oo si weyn ugu soo dhaweeyay Axmed Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo sheegay inay xusuus weyn ku leedahay Tariikhdiisa Magaalada Cadaado, isla markaana uu mudo ku noola sidoo kalena uu aabahii Daaci diinta dadka bara ka ahaa halkan.

Axmed Madoobe ayaa reer Cadaado u sheegay inuu magaalada iyo dadkeeda u jecel yahay sidii uu aabahii Sheekh Maxamed Islaam u jeclaa, isla markaana uu mar walibana uu niyada ku hayo.

Wuxuu ugu baaqay Dadka reer Cadaado inay garab istaagaan Dowlada Cusub ee Galmudug oo ay la shaqeeyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON