Thursday, March 28, 2024

Axmed Madoobe: “Doorasho kuma dhaceyso sida ay maanta tahay iyo nooca Afduubka socda..” (Daawo)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka hadlay xaaladda Doorashada Soomaaliya, isagoo si cad u sheegay inaysan doorasho ku dhici karin sida hadda xaalku yahay.

Isagoo ka hadlayay magaalada Kismaayo oo uu maanta dib ugu laabtay ayuu sheegay in laga sugayo magacaabid guddi doorasho oo la rabo inay ka howlgalaan Kismaayo iyo Garbahaarey, laakiin Gobolka Gedo lagu sii daayey jabhado iyo ciidan ayna sheeganayaan Jubaland.

Sida kaliya ee Doorasho uga dhici karto Gedo ayuu sheega inay tahay in gacanta maamulkiisa lagu soo celiyo Gobolkasi oo ay ka howlgalaan. “Madaxda Federaalka waa inay fuliyaan wixii lagu heshiiyey .. waxaan diyaar u yahay inaan qabano doorasho – laakiin waa marka aan ka howlgalno Gobolka” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Ad

“Doorasho kuma dhaceyso sida ay maanta xaaladu tahay iyo nooca afduubka socda. Dadka Mas’uuliyadda ay saaran tahay sida Madaxweynaha waa inay kala saaraan Hannaanka Doorashada iyo ololahooda… Ma dhaceyso Doorasho Harqaan baa tegayaa Dharkan baan tolanayaa ee sidaa ha la ii doorto.. ma dhaceyso” ayuu si kulul u yiri Axmed Madoobe oo taageeray baaqii shirka musharixiinta Madaxweynaha ee Muqdisho.

Wuxuu ka codsaday Madaxda Dowladda Soomaaliya, beesha calamka iyo dowlad Goboleedyada in dalka la badbadiyo, isagoo ka diga in mar kasta kasta oo waqtigu jiitamo dalku sii gelayo dhib iyo caqabad.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON