Sunday, July 6, 2025

Axmed Madoobe: “Dowladda Federaalka ayaa qaadeysa mas’uuliyadda wixii ku dhaca Wasiir Janan..” [Akhriso]

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku sheegay qoraal laga soo saaray xafiiskiisa inay ka walaacsan yihiin xaaladda murugsan ee Wasiirkii Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan Sheekh Maxamuud C/nuur (Janan) kaasoo u xirnaa dowladda Soomaaliya, lana shaaciyey inuu baxsaday.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu si sharci-darro ah ugu afduubnaa xukuumadda Federaalka tan iyo 31-kii Ogost 2019, iyadoo xilligaasi wixi ka dambeeyay loo diiday qoyskiisa inay arkaan iyo qareenadii loo qabtay.

Waxaa kaloo qoraalka lagu sheegay in warka ay faafisay taliye ku xigeenka Booliska Zakiya Xuseen uu shaki gelinayo bedqabka Wasiirka. “Waxaan umadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u sheegeynaa inay dowladda federaalka qaadeyso mas’uuliyadda wixii ku dhaca Wasiirka..” ayaa lagu yiri qoraalka.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON