Thursday, June 8, 2023

Axmed Madoobe & Safiirka Mareykanka ee Somaliya oo kulan ku yeeshay Nairobi (Maxay ka wadahadleen?)

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dowladda Soomaaliya aysan aqoonsaneyn ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Donald Yamomoto.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay Axmed Madobe la yeesho safiirka Mareykanka kadib doorashadii muranka badan dhalisay ee uu kusoo baxay ayey shaacisay Madatooyada Jubbaland in looga wadahadley xaalada Siyaasada dalka, khilaafka dowladda Somalia iyo Axmed Madoobe, arrimaha amniga iyo mashaariicda horumarineed USAID ka wado Jubbaland.

Warka ayaa lagu sheegay in in labada dhinac ay isla qireen muhiimada ay leedahay wadashaqeynta Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada si caqabadaha kala duwan ee dalku kujiro si wadajir ah loogu wajaho xalna looga gaaro.

Ad

Madaxweynaha Jubbaland ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey ciidamada Maraykanka ee ku sugan magaalada Kismaayo kuwaas oo la howlgala ciidamada Jubbaland qeybahooda kala duwan ee sida joogtada ah ula dagaalama argagixisada ragaadisey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale Magaalada Nairobi kula kulmay madaxweynayaasha maamullada Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo K/Galbeed C/casiis Laftagareen.

Safiirka Mareykanka ayaa dhowaan dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay bilowdo wadahadal lagu xalinayo khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka iyo Jubaland, waxaana muuqata in Mareykanka oo hormuud u ah Beesha Caalamka uu kusii dhowaanayo aqoonsiga Axmed Madoobe oo hadda noqday waaqic taagan.

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!