Tuesday, June 24, 2025

Axmed Madoobe oo 3 Qodob ka dalbaday xildhibaannada laga soo doorto Jubbaland (Akhriso)

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xildhibannada labada gole ee kasoo jeeda Degaanada Jubbaland ka dalbaday saddex qodob oo ku saabsan xaaladda lagu jiro ee kala guurka ah.

Isagoo kula hadlayey Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho oo uu Qado sharaf ugu sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doorto Jubaland ayuu Axmed Madoobe faahfaahin ka bixiyay Xaalada dalka, Heshiiskii Doorashada iyo wixii dhex maray intii uu dagaalka siyaasadeed kula jiray dowladda Federaalka.

Axmed Madoobe wuxuu u sheegay xildhibaannadaas in la shaqeeyaan Ra’iisal wasaaraha cusub ee madaxweynuhu soo magacaabay, isagoo sheegay inuu waqti yar heysto, loogana baahan yahay inay soo dhoweeyaan, isla markaana ay la shaqeeyaan, lana fuliyaan howsha loo diray.

Qodobka labaad ee uu Axmed Madoobe ka codsaday xildhibaannada kasoo jeeda Jubbaland ayaa ahaa inay fududeeyaan Heshiiska Doorashada wuxuuna ku yiri: “Heshiiska siyaasadeed ee Doorashada ma aha xeer la marinayo.. Mana haya Sharci ee waa heshiis aan u aragnay inay maslaxad ku jirto iyo xalka ugu danbeeya, waana inay fududeysaan..”

Arrinta saddexaad ee Axmed Madoobe dalbaday ayaa ahayd inay is cafiyaan, isaguna aanu waxba u qabin, kuna heysan inaysan ku gacan siin dagaalkii dowladda Federaalka la gashay, ayna bog cusub furtaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON