Waxaa magaalada Kismaayo maanta kulan ku yeeshay Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo madaxda AMISOM oo uu hoggaaminayeenWakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, iyo Taliyaha AMISOM Tigabu Yilma Wondimhunegn.
Kulanka ayaa ujeedkiisu ahaa in labada dhinac ay uga wadahadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta ka dhaxeysa iyo isbedello lagu sameynayo AMISOM oo ciidamo dhimis iyo isbedello ka wada Gobollada Koofurta, waxaana arrinta ugu weyn ee laga hadlayo ay ahayd sidii doorasho xor iyo xalaal ah ay uga dhici lahayd Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u caddeeyay madaxda AMISOM in amniga ay ku filan yihiin maamulkiisa oo aan loo baahneyn wax taageero ah oo AMISOM ay ka helaan ama aysan dooneyn inay AMISOM ku lug yeelato doorashada maamulka Jubbaland, wuxuuna gaarsiiyey go’aankiisa ah in Hay’adaha Amniga Jubbaland ay ku filan yihiin sugida Amniga Doorashooyinka.
Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa kulanka kadib saxaafadda u sheegay in howlgalka AMISOM inaysan jirin isbedel lagu sameeyay xilligan ciidamada ku sugan magaalada Kismaayo ee AMISOM, isagoo beeniyay warar ku saabsan jiritaanka ciidamo baxay ama kuwo cusub oo yimid.
Francisco Madeira wuxuu sheegay in madaxweyne Madoobe uu gaarsiiyey fariinta ah in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, iyaguna aysan faragelin ku sameyn doonin, ujeedkuna yahay inay taageeraan oo gacan siiyaan maamuka Jubbaland, isagoo go’aanka Midowga Afrika soo gaarsiiyey Axmed Madoobe.




