Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo tegay magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay wata ciidamo ilaalo u ah oo amnigiisa si gaara u ilaalinaya.
Ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta kasoo degay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyagoo la socday diyaaradii kasoo duulisay magaalada Kismaayo waxaana tiradooda lagu sheegay in ku dhow 20 nin oo si gaara u tababarran.
Axmed Madoobe oo hore u yimid Muqdisho ayaa wadan wax ilaalo ah, laakiin horaantii bishii Janaayo ayuu magaalada Garowe la tegay ciidamadan, iyadoo markaasi loo diyaariyey Gawaari nooca dagaalka ah oo ay adeegsadaan.
Hore waxaa arrintan Soomaaliya uga bilaabay madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ay caado u ahayd inuu magaalada Muqdisho la tago ilaalo hubeysan.



