Monday, July 14, 2025

Axmed Madoobe oo dhaqdhaqaaq ka bilaabay Muqdisho, kadib Shan Maalmood oo xaaladiisa Amni…

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta bilaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed, kadib markii uu muddo 5 maalmood ah ku sugnaa caasimadda Muqdisho.

Axmed Madoobe kulan gaara la yeeshay la yeeshay Madaxweyne Farmaajo, laba jeer oo kalena la kulmay, isago uu wehliyo Madaxweynaha Puntalnd ayaa xalay guriga uu degan yahay ku qaabilay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudeey, waxaana lagu wadaa inuu maanta tago xarunta Aqalka Sare.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu wadaa inuu khudbad u jeediyo Guddiga Joogtada ah ee Aqalka Sare waana tallaabadii koowaad ee uga baxo Madaxtooyada Soomaaliya intii uu Muqdisho yimid 1-da Bisha September 2020.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe uu arrimo amni dartood u joojiyey dhaqdhaqaaqa gudaha magaalada Muqdisho, balse uu hadda bilaabayo dhaqdhaqaaqa markii uu is-faham la gaaray Madaxweyne Farmaajo.

In ka badan 50 Askari ayaa la socda madaxweyne Axmed Madoobe oo sugaya Amnigiisa inta uu ku sugan yahay caasimadda, waxayna qaarkood ku hubeysan yihiin hubka oo ay ku jiraan qoryaha BKM iyo Bambooyin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON