Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta maqribnimadii dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kadib safar degdeg ahaa oo uu shalay uga tegay.
Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo uga qeyb galay Aaska Gudoomiyhii Rugta Ganacsiga Jubaland Shaafi Raabi oo qarax is-miidaamin ah lagu dilay, isagoo kadibna shir la yeeshay saraakiisha ciidamada maamulkiisa, wuxuuna ku yimid waqtigii la filayey oo ahaa inu caawa Muqdisho ku sugnaado si uu uga qeyb galo shirka madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada Dalka ee arrimaha Doorashada.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo iska isla shalay u dhoofay magaalada Nairobi ayaa la sugayaa inuu dib ugu soo laabto Muqdisho, iyadoo la sheegay inuu soo gaaray Muqdisho galabta.
Shirkii dhameystirka Heshiiska Doorashada Dhuusamareeb 3 ayaan la ogeyn inuu caawa furmi doono iyo in kale, iyadoo ay noqoneyso markii saddexaad ee uu dib u dhac ku yimaado.

