Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo maanta kadib markii uu ka tegay shirkii wadatashiga dowaldda Federaalka iyo maamul Goboleedyada ee magaalada Garowe oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii Garowe ku eedeeyay madxda Dowlada Federaalku inaysan diyaar u ahayn xal u helidda dhibaatooyinka dalka ka jira iyo heshiis laga gaaro arrimaha la isku hayo, wuxuuna caddeeyay in qaabka loo wado Dib u eegista Dastuurka aysan ka turjumeynin maslaxada dalka, sida uu yiri, isla markaana aysan suuragelin in heshiis laga gaaro iyadoo madaxda Dowlada Federaalku ay ka cago jiidayeen.
Wuxuu kaloo sheegay in Arimaha Doorashooyinka dalka ayuu xusay in aysan Dowlada Federaalku ahmiyad badan u haynin iyadoo ay ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020-ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan.
Wuxuu beeniyay in muddo kororsi la sameyn doono, wuxuuna caddeeyay inaan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, ayna been tahay in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi.
Khilaafka Galmudug ayuu sheegay Madaxweynahu in ay qayb ka ahayd wada hadalada balse Madaxda Dowlada Federaalku aysan diyaar u ahayn in xal waara laga gaaro; wuxuuna ugu baaqay shacabka Jubbaland inay midnimadooda iyo nabadda ay haystaan ay ku fara adaygaan, wuxuuna Dowlada Federaalka ku eedeeyay inay qorsheyneyso sidii dagaalo sokeeye degaanada Jubbooyinka ay uga dhici lahaayeen.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in shaqsiyaad Hoteelo Xamar ku yaalla lagu biilo lagu dhiiri galinayo sidii xabbad uga ridi lahaayeen Jubbaland, iyadoo looga gol leeyahay carqaladaynta Doorashooyinka iyo Dowladnimada Jubbaland.