Wednesday, July 2, 2025

Axmed Madoobe oo Eedeyn Culus u jeediyay Dowladda Soomaaliya [“Ma jiro xiriir & Wadashaqeyn naga dhaxeysa”]

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay mas’uul ka tahay, kana danbeyso amni darrada dalka ka jirta.

Isagoo maanta ku laabtay magaalada Kismaayo kadib socdaal in muddo ah ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Itoobiya wuxuuna saxaafadda kula hadlay magaalada Kismaayo isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax wada shaqen ah kala dhaxeyn ayna sabab u tahay amni darrada dalka ka jirta.

Axmed Madoobe ayaa ka hadlay saraakiil ay magacawday dowladda Federaalka oo ka tirsan NISA oo laga soo celiyay magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inaysan dowladda Federaalka wax xiriir ah iyo wadatashi kala sameyn magacaabista saraakiishaasi.

Warar hore u soo baxaya ayaa sheegayay in Axmed Madoobe uu Addis ababa u tegay si uu madaxda Itoobiya ugala hadlo arrinta madaxweynaha DDSI ee xilka laga qaaday Cabdi Iley, balse laga diiday dalabkiisii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON