Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa farriin ku saabsan Gobolka Gedo u diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Axmed Madoobe oo ka hadlayey oo la hadlayey xaflad loo qabtay sanadguurada Doorashada labaad ee Madaxweyne Deni ayuu sheegaya in khilaafka ka taagan Arimaha Doorashooyinka ay saldhig u tahay arinta Gobolka Gedo, taasoo uu sheegay in la xalin karo.
Wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Farmaajo inuu la yimaado aragti lagu xalin karo Xaalada Gedo ka jirta. “Sharafta Madaxweynaha iyo maqaamka uu joogo waa ka hooseeyaa inuu isku dhajiyo Gobolka Gedo, waxaana muhiim ah in gacanta Jubaland lagu soo celiyo Gobolka Gedo, si aan doorasho uga qabano..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay inay Jubaland y ka go’an tahay in doorashada dalka ay ku dhacdo jawi wanaagsan dhamaan dhinacyaduna ay tahay in wax walba lagu xaliyo wada hadal si Doorasho la isku raacsan yahay ay dalka uga dhacdo.
