Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo Guddi qabanqaabo u saaray Shirka Madaxda dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha Xukuumada ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn iyo labada Madaxweyne ku xigeen. Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa golaha warbixin ka siiyay safarkii dhawaan uu ku tagay gobolka Gedo iyo waxyabahii usoo qabsoomay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa kale oo golaha uu uga warbixiyay halka ay marayso xaalada Siyaasada dalka isagoo sheegay in ay meel wanaagsan marayaan dadaalada uu ugu jiro sidii Magaalada Kismaayo loogu qaban lahaa kulan wadatashi ah oo xal loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aamadii iska horyimid ee Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Federaalka ah ee la xiriiray Khilaafka wadamada khaliijka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dhamaan xubnaha golahu ay u diyaar garoobaan sidii shirkaas oo si habsami leh ugu qabsoomi lahaa isla markana wuxuu dadweynaha ka codsaday in ay nabgalyada adkeeyaan.

Waxaa xubnahu ay isku raaceen in loo diyaar garoobo qabsoomida shirka iyadoo martida ka qayb galaysa Shirka Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada dhexe loo sameeyay gudiyo hawshan qaban qaabiya isla markana dardar galin doona hawlaha shirka.

Labada Madaxweyne kuxigeen iyo xubno katirsan golaha ayaa hawshan hormuud looga dhigay iyadoo si rasmi ah loo bilaabay qaban qaabada shirka oo bilaabanaya Todobadkan gudahiisa.

—DHAMMAAD—

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON