Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa looga jawaab go’aankii maanta ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ee Axmed Madoobe loogu aqoonsaday Madaxweyne KMG ah muddo 2 sano ah.
Qoraalka Axmed Madooba ayaa ku gacan seyray waqtiga 2-da sano ah ee Madaxweyne Farmaajo ku soo koobay muddo xileedkiisa, waxaana lagu yiri: “Ma jirto cid si gaara go’aan uga gaari karta muddo xileedka iyo Doorashooyinka dowlad Goboleedka Jubbaland waxaana loo maraa habraac sharci ah”.
Jubbaland ayaa caddeysay inay ka qey galeyso shirarka looga arrinsanayo arrimaha masiiriga sida Doorashooyinka, dhammeystirka dastuurka, deyn cafinta iyo la-dagaalanka argagixisada, waxaana lagu soo dhoweeyay baaqii Aqalka Sare iyo Xukuumadda Kheyre.
HOOS KA AKHRISO

