Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo shir jaraa’id oo wadajir ah magaalada Kismaayo ku wada qabteen Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa shaaciyey faahfahin ku saabsan shirka uu ku baaqay Madaxweye Farmaajo ee Berri ka furmi doona magaalada Dhuusamareeb.
Axmed Madoobe ayaa rajo fiican ka muujiyey inuu shirkaasi mira-dhal noqdo oo xal looga gaaro arrimaha hortaagan Doorashda Soomaaliya, wuxuuna kashifay doorka ay Beesah Caalamka ku yeelan doonto shirkaasi.
“Shirka Dhuusmaareeb waxaa ka qeyb geli doona Goobjooyaaasha beesha caalamka iyo wakiiladooda, wuxuu noqon doonaa shir lala socdo oo safiirka James Swan iyo wakiilada kale kor joogto ka noqon doonaan.. waxaan rajo ka qabnaa in lagu gaari doono heshiis miradhal ah oo natiijo fiican kasoo bixi doonto..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Isagoo ka hadlayey waxa shirka Dhuusmaareeb looga hadlayo ayuu sheegay inay kaliya yihiin sidii loo fulin lahaa Doorashada hore loogu heshiiyey 17-kii Seprmber oo ah arimaha la isku hayo, wuxuuna soo jeediyey in loo xil saaro Guddiyo farsamo oo aanay musharixiinta iyo madaxdu faragelin ku sameyn.
“Arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo siman yahay laguna wada qanacsanyahay. Waxaana uga mahadcelinayaa Beesha caalamka doorkooda muuqda ee ay arrintan kaga jiraan iyo ka go’naanshaha in Doorasho dalka ka dhacdo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlay xaaladda Gedo.