Saturday, June 28, 2025

DAAWO: Axmed Madoobe: “Ciidamada Somalia waa inay ilaaliyaan Villa Somalia iyo madaxda dalka”

Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed  Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo jeediyay talo ku socota madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamulada kale ee AMISOM ilaaliso, isagoo u sheegay si ay u arkaan xaalada ammaanka dalka inay ka tagaan ilaalada ciidamada Ajnabiga ah oo ay ciidamo Soomaaliyeed ilaalo ka dhigtaan.

“Waxaan soo jeedin lahaa in ciidamada Soomaalida aanu ilaalo ka dhigano madaxdeena, Villa Somalia hala wareegeen ciidamada Soomaalida, madaxdu ha aragto xaalada ammaanka dalka” ayuu yiri Axmed Madoobe

Axmed Madoobe oo ka hadlayay qaraxyadii toddobaadkan ka dhacay Muqdisho iyo Baydhaba markii uu magaalada Kismaayo ku laabtay, wuxuu si cad u sheegay  in maamulada dalka ka jira looga baahan yahay inay isku tashadaan isla markaana ammaankooda sugtaan oo aanay isku haleyn AMISOM, isagoo xaalada dalka ku tilmaamay mid sii xumaaneysa.

DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON