Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo Muqdisho laga sugayo & Ciidamadii ilaalo u ah oo la socda..

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Muqdisho, iyadoo socdaalkiisu daba joogo safarkii Ra’iisal wasaare Kheyre ku tegay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu Muqdisho u imaanayo dhammeystirka heshiis uu la galay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo loo baahday inuu madaxweyne Farmaajo qeyb ka noqdo, kaasoo ku saabsan iskaashi dhex maray maamulka Jubba iyo madaxda dowladda Federaalka oo khikaaf ba’an dhex yaallay.

Wararka ayaa sheegay in socdaalka Axmed Madoobe ee Muqdisho ay ku wehlin doonaan ciidamo fara badan oo ilaalo u ah, wuxuuna dalbaday in loo diyaariyo saddex gaari oo kuwa Cabdi bilaha (Land Cruizer) ah si ciidmada la socda u adeegsadaan.

Madaxweynaha Jubbaland oo hore Muqdisho u yimid ayaanay la socon jirin ciidamo ilaalo ah, laakiin wuxuu arrintan bilaabay kadib khilaafkii soo kala dhex galay madaxda dowladda Somalia, isagoo Janaayo 2019 magaalada Garowe la tegay ciidamo xoogh leh oo ilaalo u ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON