Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ku adkeystay qabashada shirka maamul Goboleedyada ee uu gogoshiisa dhigay magaalada Kismaayo.
Isagoo ka hadlayay Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland ayuu sheegay in ujeedka shirka uu yahay in go’aan Soomaaliyeed la gaar. “Shirkan wuxuu muhiim u yahay Soomaaliya waxaan go’aansanay intii ajnabi uu dhexdeena soo geli lahaa in annagu Soomaali ahaan arrimaheena xalisano oo aan wax walba oo jira wada hadal ku dhamayno..” ayuu yiri Axmed Madoobe.
Wuxuu sii raaciyay in inay gogoshan u dhigeen si arrimaha gudaha Soomaalida u xalistaan oo aan mar danbe iska daba hadlin una dhicin is qabqabsi.
Guddiga qaban qaabada shirka Kismaayo ayaa intii uu socday Shirka Golaha Wasiirada laga dhegaystay sida ay u socoto diyaargarowga Shirka Kismaayo oo loo qorsheeyay inuu furmo maalinta Axadda ee 8-da October.