Thursday, June 26, 2025

Axmed Madoobe oo shaaciyey Go’aankiisa Arrinta Beledxaawo & Derbiga Kenya ka dhiseyso Xuduudka Soomaaliya [Akhriso]

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay muranka ka taagan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya iyo xaaladda ka jirta magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in arrinta Derbiga Kenya ka dhiseyso xuduudka uu soo taagnaa muddo dheer ilaa dowladii Xasan Sheekh, loona diray laba Guddi oo kii ugu danbeeyay uu booqday xilligan dowladda Farmaajo, arrintaasina ay tahay mid u taallo dowladda Federaalka.

“Waxaa arrintan ka hadli doona madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, waxay u baahan tahay go’aan siyaasadeed, haddii Soomaalidu xuduudka ka gudubtay waa in laga wadahadlaa..” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa caddeeyay in arrinta muranka xuduudka iyo derbiga Kenya ay tahay mid u taalla dowladda federaalka oo maamulka Jubba oo goobjoog ka noqon doono, isagoo rajeeyay in madaxweynayaasha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay ka wadahadlaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON