Sunday, July 13, 2025

Axmed Madoobe oo shaaciyey inuu ku biiray dhexdhexaadinta Dowladda Itoobiya iyo ONLF [Sawirro]

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam shaaciyey inuu ku biiray  wadahadalka magaalada Nairobi uga socda dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF.

Wadahadalka nabadeed ee labada dhinac uga socda magaalada Nairobi ayaa waxaa soo qabanqaabiyey oo martigelinaya dowladda Kenya oo la sheegay inay u yeertay Axmed Madoobe si uu gacan uga geysto cadaadiska la saarayo labada dhinac si heshiis loo gaaro.

Qoraal la soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee facebook ayaa lagu sheegay in Axmed Madoobe ku guda jiro dadaalo uu ugu kala dabqaadayo ergooyinka kala matalaya Dowlada Itoobiya iyo Ururka ONLF ee ka qayb galaya wadahadallada kasocda Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wakiilada kala metalaya labada dhinac iyo dhexdhexaadiyeyaasha ka socda Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay inay yihiin dad kasoo wada jeeda hal beel.

Image may contain: 2 people, people sitting, suit and outdoor

Image may contain: one or more people, people sitting, tree, outdoor and nature

Image may contain: 1 person, sitting, tree, child, grass, outdoor and nature

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON