Sunday, July 6, 2025

Axmed Madoobe oo shuruud adag ku xiray in Doorashada 2020/2021 lagu qabto magaalada Garbahaarey

Madaxweynaha Dowlad Goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shuruud ku xiray doorasho ka dhacda Gobolka Ged, kadib heshiiskii doorashada ee dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada

“Maamulkii Gobolka Gedo Kismaayo ayuu fadhiyaa.. ma jirto sabab ay uga maqan yihiin.. Guddoomiyaha Gobolka Gedo wuxuu la mid yahay maamulkii Yaasir Carafaat ee dibad joogga ahaa.. Ma waxaan kusoo noqonay 1969-kii, markii dowladda Kacaanka dhalatay oo Gobollada dalka oo dhan ay la wareegeen saraakiil…. Ciidamadii loogu talogalay Alshabaab ayaa loo adeegsanayaa siyaasad..” ayuu yiri Axmed Madoobe oo ka hadlayey furitaanka Golaha Wakiilada Jubaland.

Wuxuu sheegay inay caqabad noqotay haddii arrinta Gobolka Gedo lagu xiro wadahadalkii Doorashada ayna ua tanaasuleen danta guud, balse aan waxba laga qaban xaaladda Gobolka Gedo, wuxuuna sheegay in iyadoo aysan ciidamada Dowladda Federaalka ka bixin gobolka Gedo, oo maamulkiisa ka howgelin aysan dhici karin doorashada xildhibaanada qaybta loo asteeyay magaalada Garbohaarey oo gaaraya 16 xildhibaan.

Axmed Mdoobe ayaa ku adkeystay in loo baahan yahay in kahor Doorashada Xildhibaanada Federaalka ah xal laga gaaro Arimaha u dhexeeya Dowlada Federaalka ah iyo Jubaland oo ay ugu weyn tahay arinta Gedo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON