Friday, June 27, 2025

Axmed Madoobe oo wakiilada Beesha Caalamka u sheegay inaysan Somalia ka dhici karin Doorasho Qof & Cod ah [Sawirro]

Wufuud ka socda wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta magaalada Kismaayo kula shiray Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka mida maamulkiisa.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee ay la yeeshaan Axmed Madoobe, kadib murankii ka dhashay doorashadii Jubbaland ayaa u muuqday inuu jebiyey xayiraadii dowladda Federaalka saartay Axmed Madoobe oo hadda u muuqda inay beesha caalamka aqoonsatay, waxaana xubnaha wafdiga beesha caalamka ka mid ahaa Wwakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, Ergeyga Midowga Yurub ee Somalia, Wakiilka Midpwga Afrika, Xubno ka socday Urur Goboleedka IGAD iyo wakiilo kale.

Kulanka ayaa looga hadaly arrimaha Doorashooyinka 2020/2021. Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Jubbaland, iyo Qorshaha Deyn cafinta Soomaaliya, wuxuuna qoraal uu soo saaraty Axmed Madoobe ku sheegay inuu oo dhoweynayo Deyn cafinta, balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qaabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo.

Mar uu ka hadlay Madaxweynaha arrinta dhamaystirka Dastuurka ayuu u sheegay wakiilada beesha caalamka in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro, taasoo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka, qaabka lagu wadana aysan ka qaybgalin xubnihii Dowlad Goboleedyada.

Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 ayuu sheegay Axmed madoobe inay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin, wuxuuna caddeeyay inaysan Doorasho qof iyo cod ah ka dhici karin dalka, iyadoo aan la samayn tira-koob sax ah dhameystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Soomaaliland, ayna tahay in nooca Doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.

Image may contain: 2 people
Image may contain: 5 people, people sitting
Image may contain: 4 people, people sitting and indoor
Image may contain: 3 people, people sitting
Image may contain: 3 people, people standing

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON