Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo faafhaahin ka bixiyey weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Medina (ex. Cascasey) ee magaalada Kismaayo isagoo shir jaraa’id goor dhoweyd qabtay.
Axmed madoobe ayaa sheegay in qasaaraha weerarka uu gaaray 26 qof oo dhimasho ah, iyo dhaawaca 56 qof oo kale; waxaan dadka dhintay ay ee heystay dhalashada dalalka ajnabiga ah kala yihin: Kenyan 3 qof; Canadian 1 qof, British 1 qof, American 2 qof,
Tanzanian 3 qof. Wuxuu kaloo sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.
Madaxweyne Axmed madoobe ayaa tacsi gaara u diray ehelada uu ka baxay Xildhibaan hore hadana ahaa musharax u tartamayay xilka madaxtinimo ee Jubbaland Xildhibaan Shuuriye iyo Alle ha u Naxariistee wasiir hore oo Jubbaland ah Jaamac fariid iyo marwadiisa Hodan Naleeye.
Waxaa weerarka qaaday afar dabley ah, kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen halka labada kale toogasho lagu dilay.