Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha Harti ee maamulkiisa ka mida masaafurin siyaasadeed diray magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka ee Beesha Harti dhammaantood lagu qoray in lagu doorto magaalada Garowe. Siyaasiyiin uu hogaaminayo Jen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa tegay Garowe si uu olole uga bilaabo halkaasi.
Axmed Madoobe ayaa u sheegay siyaasiyiinta Harti ciddii dooneysa inay ka mid noqoto Baarlamaanka Soomaaliya aqalkiisa hoose inay iska xaadiriyaan magaalada Garowe, oo aanu isagu wax awood ah ku lahayn xubnahaasi oo ay u doontaan madaxweynaha Puntland.
Beesha Harti ayaa la sheegay in odaygii keli ahaa ee ku sugnaa Kismaayo ay kasoo masaafuriyeen magaaladaasi Axmed Madoobe iyo Jen. Darwiish. Waxaa hadda muuqata in siyaasiyiinta Harti ee Jubooyinka fadhiga ka dhigtay iyana markooda loo masaafuriyay Garowe.