Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa shalay galab ka dhoofay magaalada magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkiisa, isagoo u socdaalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Socdaalka Axmed Madoobe ee Nairoobi ayaan wax faahfaahin ah laga bixin, iyadoo dhowaanahan uu madaxweynaha maamulka Jubba ka gaabsaday inuu saxaafadda kala hadlo safaradiisa. Wuxuuna socdaalkani ku soo beegmayaa iyadoo laga sugayay magacaabidda Golaha wasiirada Jubbaland oo muddo dheer hakaday, waqti baddana ku qaatay.
Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu Nairobi oo ka mida dalalka sida weyn u taageersan maamulkiisa kala tashado xaalada ka heysata magacaabista golaha wasiirada, isagoo kadib u sii gudbi doona magaalada Addis ee dalka Itoobiya oo sidoo kale la-tashi uu kula yeelan doono madaxda dalkaasi.
Siyaasiyiinta maamulada dalka iyo kuwa federaalka ayaa caadiyan ku xiran Addiss ababa iyo Nairobi oo saameyn toos ah ku leh siyaasadda xilligan ka jirta gudaha Soomaaliya.
Goobjooge.com