Tuesday, July 15, 2025

Axmed Madoobe: “Dowladda Federalka waxay shaqadeedii kusoo ururtay: -halkii dhisan aan dumino” [Sawirro soo dhoweyn yaab leh]

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo kadib markii uu muddo saddex toddobaad ah oo uu ku sugna dalka Kenya.

Axmed Madoobe ayaa soo dhoweyn yaab leh loogu sameeyay Garoonka Diyaaradaha Kismaayo, iyadoo ay ka qeyb galeen madaxda maamulkaasi, ciidamada, kooxda baandeyda iyo dadweyne, iyadoo si weyn loo adkeeyay amniga magaalada.

Ujeedka socdaalka Axmed Madoobe ee dlka Kenya ayaa si rasmi ah loo shaacin, waxaana baraha bulshada lagu baahiyey kulamo uu la yeeshay, siyaasiyiin Soomaali ah, guddoomiyaha ONLF iyo xaflad aroos ahayd uu kala qeyb galay hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre. Ducaale. Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale magaalada Nairobi kula kulmay qaar ka mida wakiilada Beesha Caalamka, sida safiirada dalalka Ingiriiska iyo Denmark.

Axmed Madoobe oo Garoonka diyaaradaha Kismaayo kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu magaalada Nairobi kula kulmay wakiilada Beesha caalamka, Saamileyda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo madaxda dalka Kenya, isgoo kala hadaly khilaafka Dowladda Federala iyo Dowlad goboleedyada.

Mar uu ka hadlay xaalada gobolka Gedo ayu sheegay in dowladda Federaalka ay ka wado howlo lagu carqaladeynayo amniga iyo Dowladnimada, isgoo sheegay inay wax natiijo ka gaari doonin haddii aysan wado wanaagsan u soo marin kana waantoobin baalmarka dastuurka, sida uu yiri.

Axmed Mdooba ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay shaqadeedii oo dhan kusoo uruurisey “halkee dhisan oo aan duminaa” ee aysan danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka shaqeynin.

Image may contain: car, outdoor and nature
Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: 1 person, smiling, standing, crowd and outdoor
Image may contain: 7 people, people smiling, people standing, suit and outdoor
Image may contain: 4 people, people smiling, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON