Madaxda Maamul Goboleedyada K/Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa qoralalo isku mida kasoo saaray shirka Afisyoone ee maanta lagu wado inuu furmo.
C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cali Guudlaawe) ayaa barahooda rasmiga ah soo dhigay qoraallo kooban oo Lafta-gareen iyo Guudlaawe ku sheegeen inuu ka qeybgaleen furitaanka shirka, halka Qoorqoor adeegsaday inuu ka qeybgalayo furitaanka shirka Afisyoone.
HOOS KA AKHRISO QORAALLADA
C/CASIIS LAFTA-GAREEN: “Waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka uga qeybgalay furitaanka shirka wadatashiga geedi socodka hanaanka doorashooyinka dalka ee lagu balansanaa 22da Maarso Madaxda Dowlada federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada federaalka iyo Gobalka Banaadir”.
AXMED QOORQOOR: “Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa ka qeyb galaya Shirka Wadatashiga Madaxda DFS ,Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo hada ka furmaya xarunta Afisiyooni ee Garoonka Aadan Cabdulle ee Magaalada Muqdisho”.
CALI GUUDLAAWE: “Waxan maanta ka qeybgalay Shirka Wadatashiga Dowlada Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo maanta ka furmay Xerada Afisyooni ee Ciidamada Cirka Soomaaliya. Shirkaan Wadatashiga ah oo muhiimadiisu ay tahay xal u helida Arrimaha Doorashooyinka Dalka iyo sidii isfaham looga gaari lahaa qabsoomida doorashooyin la isla ogolyahay oo si nabad ah ku dhaca”.
