Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa sharci darro ka dhigay oo kala diray Hay’adii shaqaalaha Rayidka ee Puntland, kadin fadhigii 13-aaad ee kalfadhiga 41-aad oo ka dhacay Garowe.
Baarlamaanka Puntland ayaa ka dooday habka shaqaaleynta shaqaalaha rayidka ah ee Puntland. Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Puntland C/xamiid C/xamiid Sheekh Cabdisalaan ayaa sheegay in dood dheer kadib ay baarlamaanka Puntland isku raaceen inaysan wax sharciyad ah heysan hay’adda Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.
Golaha ayaa kala diray Hay’ada shaqaalaha rayidka ah ee Puntland, iyagoo dalbaday in si degdega sharciyadeeda loo sameeyo markaas kadibna Madaxweynuhu soo magacaabo Masuuliyiinta Hay’adda.
Shaqadii ay hay’adu qaban jirtay ayaa iminka la hoos geeyey Wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Puntland.
Waxaa hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland magacaabay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) laakiin waxaa lagu soo eedeeyay musuqmaasuq baahsan oo ku saabsan shaqaaleynta.