Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u codeeyay diidmo ka dhan ah Guddiyada Doorashada Dadban.
Labada aqal ee Baarlamaanka shirkoodii maanta ayaa ayaa la hordhigay in Guddiyada Doorashada Dadban ay korjoogto iyo kormeer ka noqdaan Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soo socota, waxayna cod fara badan ku diideen inaysan wax door ah ku yeeshay howlaha doorashada ee harsan.
237 xildhibaan ayaa u codeysay inuusan Guddigii Doorashada wax door ah ku yeelan doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo tan madaxweynaha oo lagu wado inay Bishan Janaayo ka dhacaan Muqdisho.
Arrintan ayaa dharbaaxo kulul ku noqotay Guddiga uu hogaamiyo Cumar Maxamed Cabdulle oo xildhibaano badan ay aamisan yihiin inay u shaqeynayaan madaxda dowladda iyo kuwa maamulada dalka.
Goobjooge.com