Tuesday, November 29, 2022

Baarlamaanka Itoobiya oo anxisiyey Sharci ay si weyn usoo dhoweeyaan Soomaalida Itoobiya [Akhriso]

Baarlamanka federaalka Itoobiya ayaa shalay ansixiyey Sharci cusub oo ku saabsan Qeybisga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Itoobiya, iyadoo xeerkaasi ay soo dhoweeyaan madaxda Soomaalida Itoobiya.

Sharciga qeybsiga Kheyraadka Itoobiya ee Barlamaanka Itoobiya uu ansixiyey ayaa dhigaya in gobolkii laga helo wax kheyraad dabiici ah uu heli doono kharashka laga helo 50%, Halka dowladda Federaalka loo qoondeeyay 25% , waxaa 25% ee soo hartay loo qeybinayaa is-maamullada Itoobiya oo uu ka mid yahay maamulkii kheyraadkaasi laga helay.

Warkan waxaa shaaciyay telefishanka maamulka Somali State ee dalka Itoobiya, waxaana si weyn loo soo dhoweeyay xeerkan cusub oo ka dhigan in degaanka Soomaalida Itoobiya oo laga helay Gaas fara badan oo Dabiici ah uu heli doono hanti fara badan oo kheyraadkliisa kasoo baxda.

Ad

Wasaaradda Macdanta Itoobiya ayaa dhowaan shaacisay in New Age African Global Energy Ltd ay degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka heshay Gaaska dabiici ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,995FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!