Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ansixiyay qodob la sheegay inuu ka dalbaday madaxweynaha maamulkaasi oo xayiraad ku soo rogaya in Baarlamaankaasi ku shiro karo meel ka baxsan magaalada Kismaayo.
Kulan xubnaha Baarlamaanka Jubbaland ku yeesheen Magaalada Kismaay, ayaa la hordhigay Qodob ku saabsan in Baarlamaanka Jubbaland aysan ku shiri karin meel ka baxsan Magaalada Kismaayo, inta laga xoreynayo caasimadda maamulkaasi ee Alshabaab ka taliso oo ah Bu’aale.
Xildhibaano dhan 38 ayaa u codeeyay arrintan, iyadoo ay ka hor yimaadeen 4, halka 2 kale ka aamuseen, waxaana go’aakaasi ku dhawaaqay Habdhawraha Baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed Daahaay.
Arrintan ayaa ka dambeysay iyadoo uu soo dhow yahay waqtiga uu dhammaanayo xilka madaxweynaha Jubaland, isla markaana Kismaayo ay noqotay meel aanay xoriyad ku heysan xildhibaanada maamulkaasi.