Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ansixiyey mooshinka muddada xilka loogu kordhiyey Madaxweyaha Maamulkaasi C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen).
Kulan uu maanta magaalada Baydhaba ku yeeshay Baaralmaanka ayaa lagu meel mariyay Mooshin ku saabsanaa in muddo hal sano ah loogu daro Madaxweynaha K/Galbeed si isku mar xilka uga wada dhammaado Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, taaoo Baarlamaanka cusub ee hadda jira ka dhigeysa mid aan dooran doonin Madaxweyne.
Xilka Madaxeynaha K/Galbeed ayaa ahaa 4 sano, waxaana C/casiis Lafta-gareen la doortay December 2018, isagoo hadda xilka heynaa muddo 5 sano ah oo Baarlamaanka cusub ay mar qura ku eg yihiin 2024.

