War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kulanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya uga socda magaalada Muqdisho lagu ansixiyay dhismaha Guddi cusub oo la socon doona Doorashada.
Guddigan ayaa la sheegay inuu noqonayo: GUDDIGA LA-DAGAALANKA MUSUQMAASUQA DOORSHADA, guddigan ayaa dhismihiisa lagu ansixiyay kulankii maanta oo ahaa kii ugu horeeyay ee labada Aqal yeeshaan.
Guddigan ayaa la sheegay inay xubnihiisu noqon doonaan kuwo madax bannaan oo aanay ka mid noqon doonin xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo la socon doona xaaladda doorashada iyo ka hortagga in ,musuqmaasuq loo adeegsado.
Baarlamanka ayaa la filayay inuu maanta magacaabo Guddiya Doorashada labada aqal ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Goobjooge.com