Tuesday, June 24, 2025

Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo u yeeray Madaxweyne Waare [Akhriso 5 Qodob oo lagu heysto]

Qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa u yeeray madaxweynaha maamulkasi si ay wax uga weydiiyaan arrimo dhowr ah, taasoo ah soo gole joojin.

Xildhibaanadan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ka doonayaan inuu hor yimaado Baarlamaanka si wax looga weydiiyo arrimo ay ka mid yihiin hoggaankiisa iyo balanqaadyo uu hore u sameeyay uu fuli waayey.

Qodobadda waxaa ka mida:

1- Sababtii keentay inuu qeyb ka noqdo Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada iyo go’aankii lagu hakiyey xiriirkii ay lahaayeen dowlada Federaalka.

2- Inuu ku shaqeyn waayey degaanada Hirshabelle iyo magaalo madaxda intii badanna uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.

3- Inuu jebiyay balanqaadkii ahaa wax ka qabashada xaaladda Hirshabeelle iyo mashaariic la filayay in laga fuliyo.

4- Inuu dhisay dowlad ka kooban ku dhowad 70, isagoo markii caddeeyay inuu dhisi doono dowlad aan ka badneyn 17 xubnood oo aysan qeyb ka noqon doonin xildhibaannada mamulkaasi.

5- Horumar la’aan dhinaca maamulka amniga iyo shaqadii maamulka iyo arrimo kale

Maxamed Cabdi Waare oo Muqdisho ku sugan ayaan la ogeyn inuu tegi doono magaalada Jowhar iyo inkale, waxaana ka horjeeda guddoomiyaha Baarlamanka maamulkiisa oo taageersan dowladda Federaalka, isagoo og in mooshin culus ka yaallo Jowhar, kaasoo ay hormuud u yihiin xildhibaannda beeshiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON