Baaramaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan looga hadlayo sidii cod loogu qaadi lahaa Guddiyo muran sharci ka taagnaa oo ay soo magacawday xukuumadii xil-gaasiinta ee Mahdi Guuleed.
Xogheynta Baarlamaanka ayaa farriin ay u dirtay xildhibaannada ku sheegtay Ajandayaasha Kulanka Golaha Shacabka ee maanta oo kala ah: U codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka iyo U codeynta Xubnaha Guddiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa, waxaa kaloo isla maanta Baarlamaanka dhageysnayaa Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya.
Xukuumadii Xil-gaarsiinta ayaa boobsiisay sharciyo iyo magacaabis Guddiyo, arrintaas oo ay sharci darro ku tilmaameen sharci-yaqaannada iyo madaxda Mucaaradka, waxaana Guddiyada ugu muhiim ah ee xukuumadaasi magacawday kadib markii la riday ka mida: Guddiya Adeegga Garsoorka, Hay’adda Bartoolka Soomaaliya iyo Guddiga la-dagaalanka Musuqmaasuqa.
Baarlamaanka Federaalka ayaa noqday baarlamaanka iska ansixiya dhammaan sharciyada ay xukuumadda u soo gudbisay, taasoa ka dambeysay is-afgarad dhex maray Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaaka.
