Friday, July 11, 2025

Maxaa ka jira in Madaxweynaha Uganda uu waanwaan ka dhex wado Madaxda Itoobiya & Gobolka Tigray?

Dowladda Itoobiya ayaa beenisay waanwaan la sheegay inuu madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ka dhex wado madaxda Gobolka Tigreeya iyo dowladda Itoobiya.

Warar soo baxay ayaa sheegayey in Madaxweyne Musaveni uu colaadda Gobolka Tigray soo farageliyey, ayna magaalada Kampala ku kulmayaan madax ka socota Madaxda Gobolka Tigray iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda Itoobiya si xal looga gaaro colaadda Gobolka Tigray.

Qoraal kasoo baxay guddiga xaaladda degdegga ah ee Itoobiya ayaa lagu caddeeyay inay waxba kama jiraan yihiin wararka la faafiyey ee ku saabsan inay Uganda dhexdhexaadineyso dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF.

Waxay saxaafadda ugu baaqeen inay ka fiirsato wararka ku saabsan arrinta Tigray, iyadoo lagu xaqiijiyeye inay sii socon doonaan howlgalka sharci soo celinta.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa diiday dhammaan baaqyo iyo dadaalo ay wadeen ururrada iyo dalalka Beesha Caalamka oo ku saabsanaa in nabadgelyo lagu xaliyo dagaalka Tigray, isagoo ku adkeystay inuu soo afjarayo dagaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON