Monday, July 14, 2025

Baarlamaanka oo ka doodaya Saddex Qodob u muhiim ah [Heshiiska Maxaabiis isu celinta..]

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee Golaha Shacabka ayaa maanta leh kulankoodii caadiga ahaa, waxayna ka doodayaan saddex qodob oo hor yaalla.

Ajendayaasha looga hadlayo kulanka Golaha Shacabka ayaa kala ah:

1- Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Caafimaadka ee ay soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

2- Akhrinta koowaad ee heshiiska dowladda Soomaaliya ay la gashay India ee ku saabsan isdhaafsiga Maxaabiista

3- Ajanadaha saddexaad ayaa ah: Dhageysiga warbixinta Guddiga gaadiidka ee Baarlamaanka.

Heshiiska is-dhaafsiga Maxaabiista ee Soomaaliya iyo India, waxaa dhinaca Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar, waxaana lagu wadaa in Baarlamaanka Soomaaliya meelmariyo heshiiskan si boqolaal maxaabiis ah oo ku xiran xabsiyada dalka India loogu soo wareejin lahaa dalka.

 

Ammaanka Xarunta Baarlamaanka ayaa la adkeeyay, waxaana ciidamada Booliska ay xireen wadadda horumarinta xarunta Golaha Shacabka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON