Baarlamaanka Federaalka ayaa u yeeray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si wax looga weydiiyo xaaladda ka dhalatay Qorshaha dib u dhiska ciidamada dalka.
Mooshin ay Baarlamaanka geeyeen shalay Guddiga Difaaca Baarlamaanka ayaa lagu dhaliilay qorshaha ay ku heshiiyeen madaxda dowladda Federaalka iyo madaxda maamul Goboleedyada oo lagu dhisayo 18,000 askari.
U yeerista Ra’iisal wasaaraha ayaa laga dhigay inuu hortago Guddiga Difaaca Baarlamaanka iyo guddoonka, iyagoo laga sugayo faahfaahin ku saabsan qorshaha dowladda la tegeyso shirka London ee muranka badani ka dhashay.
Kulanka ayaa laga dhigay mid xiran oo Guddiga Baarlamaanka iyo Guddoonka la yeelan doonan Ra’iisal wasaaraha oo uu wehli doono wasiirka Gaashaandhigga, waxaana la sheegay in kadib wixii dhex mara iyo natiijada kasoo baxda lala wadaagi doono xildhibaanada Baarlamaanka.
Xildhibaanada qaarkood aya Qiyaano Qaran ku tilmaamay qorshaha dib u dhiska ciidamada dalka ee dowladda Federaalka ay wado, waxayna dalbadeen in madaxweynaha la hor keeno Baarlamanka.
Goobjooge.com