Baarlmaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisu dahmmaaday ayaa maanta muddo kordhin u sameeyay Guddiga Doorashada Qaran ee ay hoggamaaiso Xaliimo Ibraahim Ismacil (Xaliimo Yarey).
Guddigan oo ay muddo xileedkiisu ku egtahay July 2021 ayaa wax ka bedel lagu sameeyay sharcigii lagu dhisay oo si cad u sheegaya in Guddiga muddo xileedkiisu yahay 6 sano oo aan la kordhin karin, waxaana maanta loo codeeyay in 6 sano oo cusub uu sii joogo Guddigan.

Inkastoo waqti xileedkiisu lix bilood oo cusub ka harsan tahay oo ay ahayd arrintiis inuu go’aan ka gaaro Baarlamaanka cusub ee 11-aad ayaa haddana in Baarlamaanka xilka sii haya uu muddo kordhin sameeyo waxaa ka shaqeeeyay qaar ka mida xildhibaannada taageera Madaxweyne Farmaajo, waxaana arrintan olole hooseugu jirtay Guddoomiyaha Xaliimo Yarey.
Baarlamaanka Waqtigiisu dhammaaday ayaa laga filayaa inuu qaado go’aano noocan oo kale ah xilligan kala guurka ah oo aan weli lagu heshiin doorashada baarlamaankii bedeli lahaa, kuna dhiirado muddo kordhin hay’ado iyo mas’uuliyiin muddo xileedkoodii sharciga ahaa dhammaaday.

145 xildhibaan oo la sheegay inay kulankii maanta fadhiyeen ayaa u codeeyay in muddo 6 sano ah ay xilka sii hayaan Guddiga Doorashooyinka Qaran ee ay hoggaamiso Xaliimo Yarey.