Thursday, June 26, 2025

Bam lagu qarxiyay agagaarka Hotel Maka Almukarama, Magaalada Muqdisho

Qarax ka dhashay bam gacmeed lagu tuuray goob u dhow Hotelka Maka Almukarama ee degmada Hodon, magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay qasaare dad ku dhaawacmay.

Sida uu xaqiijiyay wasiirka Amniga Gudaha C/risaaq Cumar Maxamed qaraxa oo ahaa Bamka gacanta laga tuuro waxaa ku dhaawacmay laba qof oo rayid ah.

Wasiirka ayaa bartiisa twitterka ku sheegay in lagu raad joogo dadkii qaraxa ka dambeeyay, mana jirto faahfaahin kale oo laga bixiyay qaraxa oo laga maqlay degmooyinka Hodon iyo Waaberi, isla markaana xaalad cabsi ah ka dhaliyay wadadda Maka Almukarama ee Muqdisho oo tagta Madaxtooyada.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON