Friday, June 27, 2025

Banaanbax looga horjeedo Dowladda Somalia oo ka socda Kismaayo & Dadweyne sheegay inay lagu qasbay.. [Sawirro]

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo Bannaanbax lagu diidan yahay go’aanka dowladda Somalia kasoo saartay Diyaaradaha taga magaalada Kismaayo oo lagu qasbay inay sii maraan magaalada Muqdisho.

Waxaa bannaanbax soo qabanqaabiyey maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe, iyadoo ay ka qeyb galayaan qeybaha bulshada, ardayda iyo ganacsatada, waxaana la xiray Dugsiyada iyo goobaha Ganacsiga si bannaanbaxa looga qeyb galo.

Dadka magaalada Kismaayo ku sugan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka uu ku qasbay dadka inay isu soo baxaan oo qofkii kasoo qeyb geli weyda la ganaaxayo, laguna amray ardayda inay ka qeyb galaan, iyadoo albaabada loo laabay xarumaha ganacsiga.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay aqoonsaneyn Doorashooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo oo mid kamida dib loogu doortay Axmed Madoobe, iyadoo kadib soo saartay go’aanka diyaaradaha taga garoonka magaalada Kismaayo lagu amray inay maraan Garoonka Magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON