Bannaabaxyo rabshado wata ayaa hareeyay suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho ee Bakaaraha, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu toogasho ku dilay saaka darawal Mooto Bajaaj iyo qof la socday.
Dadweyne careysay oo u badan darawallada Bajaajta ayaa xiray isgoyska Howlwadaag ee falkaasi ka dhacay, waxayna bannaanbaxyadu ku faafeen gudaha suuqa bakaaraha iyo wadadda Wadnaha iyadoo askarta dowladda ay ridayaan rasaas keentay qasaare kale oo dhimasho iyo dhaawac leh.
Ganacstada Suuqa ayaa xiray qeybo ka mida suuqa oo u dhow Isgoyska Howlwadaag, waxaana weli socda banaanbaxyada rabshada wata, iyadoo xaaladu ay kacsan tahay.
Bannaanbaxyada ayaa ku fidaya magaalada, waxaana kuwii ugu danbeeyay ay soo gaareen isgoyska Dabka ee wadadda Maka Almukarama.
Dadka Magaalada Muqdisho ayaa dhibaato ku qaba wadooyinka ay xireen ciidamada dowladda iyo isu socodka oo ciriiri galay xilli ciidamada wadooyinka taagan ay joogto u dilaan darawallada Mooto bajaajta.