Wednesday, June 25, 2025

Bannanbaxyo looga horjeedo Xariga Boqor Buurmadow oo ka dhacay Magaalada Burco

Bannaabaxyo looga soo horjeedo xukunka xabsiga ah ee lagu riday Boqor Cismaan Buurmadow ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Dadka bannaanbaxayey ayaa ku sugnaa qeybta galbeed ee magaalada oo ay degan yihiin dadka taageera Boqorka iyo beesha uu ka soo jeedo, waxaana dadkaasi ay dalbanayeen in degdeg loo sii daayo Boqor Buurmadow oo dhowaan maxkamadda Hargeysa ay ku xukuntay 5 sano oo xarig ah.

Ciidamad Booliska magaalada Burco ayaa kala eryaya dadkii bannaanbaxyada waday oo muddo saacado ah socod ku marayay magaalada Burco, mana jiro wax dhibaato ah oo laga soo sheegay, iyadoo Burco ay ugu dambeysay magaalooyin dhowr ah oo bannaanbaxyada looga horjeedo xariga Boqor Buurmadow ay ka dhaceen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON