Friday, June 27, 2025

Barlamaanka Puntland oo meesha ka saaray waqti loo kordhiyo C/weli Gaas [Xilliga Doorashada Puntland oo la shaaciyey]

Baarlamaanka maamul Puntland ayaa meesha ka saaray suuragalnimada in waqti kordhis loo sameeyo xukuumad Goboleedka uu hoggaamiyo madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Fadhigii 24-aad EE Kal-fadhiga 41-aad ayaa maanta looga dooday hannaanka doorashada Puntland ee sanadka 2019, waxaana warbixin ka dhagaysta Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland oo sheegay inay ku guul darreysteen inay doorasho qof cod ah ay ka hirgasho Puntland, taasoo ay keentay caqabado soo wajahay.

Dood uu arrintan ka yeeshay Baarlamaanka Puntland  ayuu isku raacay in Doorashada Puntland ay dhacdo waqtigeeda oo ku beegan 8-da Janaayo 2019 oo ay ku eg tahay mudadda xil heynta madaxweyne C/weli Gaas, iyadoo aanay jirin waqti loo kordhinayo.

Waxaa kaloo Baarlamaanka Puntland go’aamiyey in Gugdiga Doorashooyonka ay sii shaqeeyaan isla markaana sanadka 2019 bisha 9-aad ee September ay qabtaan doorashooyinka Golayaasha Degaanka Puntland.

Doorashada Puntland ayaa ku dhici doonta qaabkeedii ay ku dhisnaa qabaa’ilka, waxaana odayaashu soo xuli doonaan xildhibaanada Baarlamaankii ee bedeli lahaa Baarlamaanka Hadda jira.

Baarlamaanka ay soo xulaan Isimada ee cusub ayaa fadhigooda ugu horeeya yeelan doona 31 December 2018 waxaynay 4-ta Janaayo dooran doonaan gudoomiyaha iyo ku xigeenadiisa, halka ay 8-da Janaayo dooranayaan Madaxweynaha Puntland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON