Barta Twitter-ka ayaa qarisay calaamad inaysan sax ahayn ahna saartay farriintii ugu danbeysay ee uu bartaasi soo dhigay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Farriinta muranka dhalisay ee Donald Trump ayaa ku saabsan doorashada ka socota dalka Mareykanka ee uu doonayo inuu mar labaad ku guuleysto xilka Madaxweynaha, wuxuuna ku sheegtay inuu guul weyn ka gaaray Doorashada, laakiin uu jiro isku day ah in Doorashada lagu xado.
“Waxaan gaarnay Guul weyn, laakiin waxay rabaan inay doorashada xadaan. Marna kama yeeleyno inay taasi dhacdo. Codadka lama tirin karo kadib marka xarumaha Doorashada la xiro..” ayuu farriintiisa ku yiri Donald Trump.
Farriintan ayey xirtay barta Twitter-ka iyadoo aan caadi loo arki karin, balse qofku u baahan yahay inuu toos u raadiyo, waxaana lagu calaameeyay inay farriintaasi tahay mid marin habaabin ah.
HOOS KA DAAWO FARRIINTA
