Thursday, June 26, 2025

Bartii Wakaalada Wararka Kuwait ee Twitter-ka oo la jabsaday & War ku saabsan ciidamada Mareykanka oo lagu faafiyey.

Barta ay twitterka ku leedahay Wakaaladda Wararka dalka Kuwait ee KUNA ayaa la jabsaday iyadoo lagu faafiyey War ku saabsan in ciidamada Mareykanka ay ka baxeen dalkaasi.

Koox aan la garaneyn, balse loo maleynayo inay raacsan yihiin ilaalada kacaanka dalka Iiraan ayaa la wareegay barta wakaalada wararka dalka Kuwait ee loo yaqaan KUNA, iyadoo lagu faafiyey War degdeg oo sheegaya in Wasiirka Difaaca Kuwait uu farriin ka helay Wasaaradda Difaaca Mareykanka oo ku saabsan in ciidamada Mareykanka ay ka baxayaan dalka Kuwait.

Markii warkaas la faafiyey kadib ayuu shaaciyey afhayeenka xukuumadda Kuwait in jabsaday bartii Wakaalada Wararka Kuwait ee Twitter-ka, warkaasi uu yahay mid been abuur ah. Weerarka dhinaca Internetka ah ayaa ka mida arrimaha lagu yaqaan dalka Iiraan.

Warka kasoo baxay Wasaaradda difaaca Kuwait ayaa si weyn loo faafiyey, waxaana sii qaatay wakaalada wararka dunida iyo warbaahinta; iyadoo markii dambe la beeniyey.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON